Ra'isal wasaaraha Somalia oo Garowe tagay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

27 November, 2015(GO)-Waxaa maanta galinkii dambe magalada Garowe soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, kuwaasi oo isugu jira wasiirro iyo Xildhibaano.

Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, gudoomiyaha Barlamanka iyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada Puntland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe.

Safarka Garowe ee Ra'isal wasaare Sharmake ayaa salka ku haya arrinta Galkacyo iyo sidii xal looga gaari lahaa dhibkii dhacay 22 November, wuxuuna Cumar Cabdirashiid Sheegay in socdaalkooda ku qotontay afar qodob oo kale;

1.In lakala qaado ciidamada Galkacyo geeyeen maamullada Puntland iyo Galmudug

2.In la furo wadahadal nabadeed

3.In la soo celiyo dadka Barakacay ee ku nool magalada

4.Iyo la magacaabo guddi arrinta nabadaynta ka shaqeeya.

Sharmake, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalka khilaafka Galkacyo, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay meelehii calanka Somalia iyo dowladnimadaba laga asaasay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shaqaaqada Galkacyo ka dhacday salka kuhayso Jid 130mitir ah oo kamid ah dhulka Puntland, wuxuuna tilmaamay inay soo dhaweynayaan deris wanaag.

Gaas ayaa xusay inay Puntland muujisay dulqaad iyadoo shacabkeeda lala dhacay hoobiyaal, wuxuuna sheegay in waxgaradka, siyaasiyiinta iyo ciidamadoodu ka shaqaynayaan qaabkii arrintaasi nabad galyo lagu dhammeeyo.

Labada mas'uul iyo wafdiga la socda oo ka midyahay wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo saraakiil kale ayaa shir ku leh xarunta Madaxtooyada Puntland, waxayna ka wada hadlayaan arrinta Galkacyo.

Ka hor intuusan Garowe imaan Cumar Cabdirashiid, wuxuu soo maray magalada Cadaado xarunta Galmudug, isagoo kulan la soo qaatay Cabdikariim Xuseen Guleed Madaxweynaha Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM