Ra'isal wasaare Sharmake oo ka baaqday safarka Galkacyo

Image

28 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Shamake oo maanta la qorshaynayay inuu tago magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa ka baaqday xilli uu jiro isku dhac mar kale dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wafdiga Ra'isal wasaaraha ayaa la qorshaynayay inay tagaan magalada Galkacyo, si qayb uga qaataan waan-waan laga dhex abuuro dhinacyada dagaallamay.

Sharmake oo Garowe u yimi xallinta khilaafka labada maamul ayaa wararku sheegayaan inuu ku laabtay magalada Muqdishu xarunta dalka Somalia, iyadoo aysan jirin wax xal ah oo la sameeyay.

Xalay ilaa shalay waxaa magalada Garowe kulamo uga socdeen wafdiga Sharmake iyo madaxda Puntland taaso ku aadan xallinta waxyaabaha lagu muransanyahay, waxayna isku afgarteen dhawr qodob.Halkan ka akhriso

Xilli nabadayntaasi socoto, waxaa mar kale magalada Galkacyo ka biloowday dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug, waxaana ka dhashay khasaaro aan la ogayn iyo barakaca shacabka degmadaasi ku nool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM