Raalligelin laga bixiyey hadal uu siyaasadeeyay Goodax Barre

Image

BOOSAASO, Puntland – Maamulka iyo waalidiinta ardayda Iskuulka Boosaaso Public ayaa si furan raalligelin buuxda kaga bixiyey hadal uu siyaasadeeyay Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka tacliinta Soomaaliya.

Hadalka oo kasoo yeeray qaar kamid ah ardayda dugsigaas ayaa nuxurkiisu ahaa in ay muhiim tahay in ay helaan shahaadada dugsiga sarre.

Waalidiinta iyo mas'uuliyiinta iskuulka ayaa sheegay in muuqaalka laga qabtay ardayda la jarjaray isla markaana shaqsiyaad dano gaar ah leh ay arrintaas sameeyeen kuna faafiyeen baraha bulshada.

Sidoo kale, maamulka oo tibaaxay in ardaydu xor u yihiin in ay cabiraan fekerkooda ayaa caddeeyay in mowqifkoodu yahay in ay galaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Puntland.

"Ardayga wuu ku hadli karaa dibadda iskuulka, kaas mas'uul kama nihin mana ku hadli karo afka iskuulka. Waxaan caddeynaynaa in aysan jirin dacaayada laga faafiyey Boosaaso Public School," ayuu yiri.

Si lamid ah, ardayda iyo waalidiinta oo xusay in ay garab taagan yihiin maamulka ayaa dhaliilay warbaahintii baahisay muuqaalkaas.

"Puntland waa far iyo faraanti waanu isku duuban-nahay meel baanu kasoo wadajeednaa," ayay tiri mid kamid ah waalidiinta. "Saxaafadii banaanka ku wareysatay ardayda way qaldan tahay".

Goodax Barre iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya oo xurguf siyaasadeed ay dhaxeyso Puntland ayaa ku eedeysan in ay doonayaan burburinta nidaamka horumaray ee waxbarashada maamulkaas.

MUUQAALKA MAAMULKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM