Radio Garowe oo bilawday gurmadka abaaraha Gado

Image

October 21, 2014 (GO)- Waxaa habeenimadii xalay Radio Garowe ka bilowday barnaamij gurmad ah oo dhaqaale loogu aruurinayo qoysaska ku tabaalaysan gobalka Gedo oo aan roobab ka da'in labadii sano ee lasoo dhaafay.

Barnaamijkan waxaa marti ku ahaa oo dadka la hadlayay Shiikh Cabdiqani Qorane iyo wasiiru dowlihii hore ee mamul wanaagga madaxtooyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo Shiikh Jaamac Siciid, waxayna dadka u iftiimiyeen xaaladda qoysaska Gedo iyo sida ay ugu baahan yihiin in gurmad deg deg ah loo sameeyo.

Shiikh Cabdiqani Qorane ayaa sheegay shacabka Puntland inay yihiin kuwo u nugul caawinta dadka tabaalaysan ayna muhiim tahay inay dhaqaalahooda ku taageeraan kumanaanka qoys ee Gobalka Gedo gaajada iyo haraadku ku hayso.

Wararka ka imaanaya Gobalka yaa tilmaamaya inay dad badan qarka u saaran yihiin inay macaluul ugu geeriyoodaan meelaha ay ku sugan yihiin maadama aan la goyn karin qiimaha biyaha gobalka la keenayo.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa horay ugu baaqay inay waajib ku tahay shacabku inay garab istaagaan oo ay caawiyeen dadka Gedo oo u baahan caawinaad deg deg ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM