Rasaas ka dhaceysa qoryaha kala duwan oo laga maqlayo Galkacayo

Image

3 Dec, 2015 (GO)- Magaalada Galakacayo ayaa waxaa ka dhacaya is rasaaseyn xoogan u dhexeysa ciidamada Puntland iyo Galmudug kadib markii saaka howlahooda bilaabeen guddiyadii loo xilsaarey iney kala qadaan goobaha ay xoogagaas isku horfadhiyaan.

Saaka arroortii ayaa waxaa howlgaley guddiyo ka kooban dowlada Puntland, maamulka Galmudug iyo dowlada Federaalka kuwasoo damacsanaa iney kulmo la qaataan saraakiisha jiida hore oo ay ciidamada labada dhinac isku horfadhiyaan.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in rasaas labada dhinac bilaabatey kadib markii guddiyadaas kusoo dhowadeen goobaha ciidamadaas isku-horfadhiyaan.

Hoobiyal iyo rasaasta taangiyada ka dhacaysa ayaa laga maqley magaalada Galkacayo dhinacyadeedda iyo bartameehada .

Wariyaha warsidaha Garowe Online/ Radio Garowe u jooga magaalada Galkacayo oo goordhow la hadley warsidahaan ayaa sheegey iney isaga baxayaan Hotel ku yaala bartamaha magaalada kadib markii ay soo gaartey rasaasta la is-weydaarsanayo.

GO ayuu u sheegey in magaalada Galkacayo ka jirto xasilooni aan la isku haleyn karin isagoo sheegey in waftiyada ka socda dowlada Federaalka iyo Jubaland, ku sugan yihiin xarunta gobolka Mudug.

Weli wax hadal ah kama soo baxin dowlada Puntland, Galmudug iyo wufuuda kale ee dhexdhexaadinta coladaan u joogta magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM