Roob doon laga sameeyay Kar-kaar iyo Sanaag ee Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

05 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar lagu qabtay isu-soobaxyo Roob doon, xilli ay jiraan kulayl iyo roob la'aan ka jirta qaybo ka mid ah Puntland.

Maamulka degmada Qardho,Arday,waxgarad iyo qaybo ka mid ah bulshada ayaa ka qayb galay Isu-soo baxa oo ka dhacay barxadda wayn ee nawaaxiga Buundada Qardho.

Dhinaca kale Roob doon taas la mida ayaa ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Qaybo ka mid ah Puntland ayaa waxa ka hooray Roobka dayrta, halka deegaano kale ka jiraan biyo yari iyo abaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM