Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay gobalka Nugaal

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 6, 2014 (GO)- Roobabkii Dayrta ayaa ka da'ay guud ahaan degmooyinka Gobalka Nugaal, iyadoona wararka laga helayo dhanka degmada Dongorayo sheegayaan in roobku qoysas badan xoolahoodii ka laayay.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa xalay saqdii dhexe ilaa saaka aroortii waxaa ku da'ayay roob mahiigaan ah  kaasoo biyo dhigay wadooyinka iyo hareeraha laamiga magaalada dhexmara.

Raxmadda Eeebe oo lagu diirsaday ka sakow waxaa jira cabashooyin laga muujiyay wadooyinka magaalada qaarkood kuwaasoo biyo badan ay fariisteen isla markasna aan waxba laga qaban.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe Qaasim Maxamed Cabdi ayaa horay uga digay in xaafadaha magaalada laga ilaaliyo biyaha wasaqaysan ee lagu daadiyo kuwaasoo caafimaad xumo keeni kara.

Cusmaan Abuukar Shiikh oo ah gudoomiyaha barakacayaasha degan kaamka Jowle 2 waxa uu saluug ka muujinayay nolasha xiliyada roobka oo ay dhibaatooyin kala duwan la kulmaan.

''Kaamka aan horjoogaha u ahay waxaa degan dad buushash ku nool, badankooda dadku xalay oo dhan way taagnaayeen roobka dartiis, labada kaam Jowle 1 iyo Jowle 2 waxa kala xiray biyaha toga maraya waxan ugu baaqaynaa mamulka inay si deg deg ah uga jawaabaan baaqeena oo ay nala soo gaaraan baco dhibcaha roobka looga hortago''.

Roobabka Dayrta ayaa sidoo kale ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Mudug, Bari, Karkaar iyo Sanaag, gaar ahaan gobolka Karkaar oo roobab lagu diirsaday labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku hooreen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM