RW Somalia iyo Axmad madoobe oo ku wajahan Galkacayo, Garowe

Image

29 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka uu qorsheynayo inuu safar ku yimaado magaalada Galkacyo.

Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka oo maalintii shaley 28 Nov,2015 ka dhoofey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa u suurtoobi waydey inuu ka dago magaalada Galkacayo kadib markii dagaal ka bilowdey xarunta gobolka Mudug.

Wararka Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in Ra'isla wasaare Cumar Cabdirashid baajiyey safar uu ku tagi lahaa wadanka dibadiisa isaga oo shir laga hadlayao arrimaha cimilada ee lagu qaban laha dalka Faransiika ka qayb gali lahaa.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeeyey in uu ka dambeeyey in Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid shirqool u dhigey safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Galkacayo kadib markii duulaan soo qaadey.

Dowlada Federaalka ayaa ka hadlin sababta keentey in Ra'isal waasaraha ka dagi waayey magaalada Galagakacayo balse warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in diyaaradii uu la socdey oo hay'adaha QM iska laheyd diidey in garoonka diyaardaha Cabdulahi Yusuf fariisato madaama rasaas ka dhaceyso goob aan ka fogeyn.

Dhinaca kale waxaa soo gaaraya warqabadaka Garowe online in madaxweynaha maamulka Jubaland maanta kusoo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyadoo wararku sheegayaan inuu qayb ka noqanayo dadaalka lagu radainayo sidii loo damin lahaa colaada ka jirta gobolka Mudug.

Magaalada Galkacayo ayaa waxa maalintii shaley 28 Nov,2015 ka dhacey dagaal sababey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh iyadoo maanta wararka ka imaanaya goobaha labada dhinac isku horfadhiyaan xusayaan in xaalada dagan tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM