Saddex kamid ah degmooyinka PL oo lagu soo daray barnaamijka JPLG

Image

December 9, 2014 (GO)- Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka JPLG ee afartii sano ee ugu dambeeyey ka socday Puntland ayaa lagu soo daray saddex degmo oo cusub.

Saddexda degmo oo barnaamijka si rasmi ah sanadka soo socda ee 2015 uga mid noqon doona waxay kala yihiin Burtinle, Qandala iyo Galdogob oo ka kala tirsan goballada Nugaal, Bari iyo Mudug.

Gudoomiyaha degmada Burtinle Liibaan Xirsi khaliif oo u waramay Radio Garowe ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan in degmadoodu qayb ka noqotay degmooyinka nasiibka u yeeshay barnaamijka horumarinta ee JPLG.

Xirsi ayaa sidoo kale sheegay inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah iyo la tashiyo lala sameynayo qaybaha bulshada, si ay uga talo bixiyaan qaabka ugu haboon ee degmadoodu uga faa'iidaysan doonto dhaqaalaha loo balan qaaday.

Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka Puntland ee (JPLG) oo muddo afar sano ah laga wadey Puntland waxaa degmooyinka sida fiican uga faa'iideystey kamid ah magaalo madaxda Garoowe iyo magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM