Saraakiisha Booliska Puntland oo tababar loo furay

Image
Image
Image
Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland ayaa maanta tababar toban maalmood socon doona looga bilaabay magaalada Garoowe.

Tababarka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Amniga, Taliska Booliska iyo UNDP, waxaa furay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar.

Ugu horreyn wuxuu kula dardaarmay saraakiisha la tababarayo inay ka faa'iideystaan macluumaadka ay heli doonaan muddada uu aqoon isweydaarsigu socdo.

"cilmi badan ayaad halkan ka baranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee, waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad ka faa’iideysataan  degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu  faa'iideysaan" Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri.

Shaqada booliska ayuu sheegay inay tahay mid aad u adag, wuxuuse ku dhiiri geliyey inay howshooda halkaas kasii wadaan mas'uuliyadda dalka iyo dadka ka saaran si fiican uga soo dhalaalaan.

"waad ogtihiin anaguna waan ognahay inaad shaqo dhibkeeda leh khatarteeduna badan tahay umadda u haysaan...dadaal ayaa inoo ballan ah" Mudane Camey ayaa sidaas yiri mar uu bogaadinayey hawlaha uu boolisku qabto.

Gabagabadii, wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay tababarrada caynkan oo kale ah maadaama ay wax badan ka tari doonaan kobcinta aqoonta booliska iyo tayeynta shaqooyinka ay qabtaan.

Hay'adda UNDP oo Dowladda Puntland dhinacyo badan ka taageerta, ayaa horay tababarro midkan oo kale ah ugu qabatay saraakiil ka tirsan booliska Puntland.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM