Shacabka Garowe oo ka hadlay xariga sharci darada ah Wariye Deperani [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Shacabka magalada Garowe,oo manta aragtidooda ka dhiibanayay Barnaamijka Ra’yiga dadweynaha ee ka baxay  Idaacadda Garowe,kaasi oo diirada lagu saaray xariga loo gaystay Wariye Jamac Deparani, waxayna sheegeen in dowladda Puntland ku deg-degtay xarigaas oo aan hab waafaqsan nidaamka dalka u dagan.

Dadwaynaha ayaa dhaliil u soo jeediyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, waxayna tilmaameen inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka, isla markaana uu tijaabinayo awoodiisa wasiirnimo.

Jamac Deparani ayaa markii ugu horaysay si sharci daro ah xabsiga Garowe u hoyana caawa, waxaana arrintaasi dhaliilay, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo wariyaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM