Shir deg deg ah oo madaxtooyada Garowe ka dhacay

Image

Sept 26, 2014 (GO)- Shir aan caadi ahayn ayaa maanta madaxtooyada Garowe waxaa ku yeeshay Madaxweyne Gaas, golilhiisa wasiirada iyo saraakiisha ugu sarreeya laamaha ammaanka.

Shirka waxaa looga arrinsanayey xiisadda ka aloosan magaalada Gaalkacayo ee la xiriirta garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf oo ilaa shalay aanay wax diyaarad ahi soo caga dhigan.

Qodobada kale ee shirka diiradda lagu saaray  waxaa kamid ah xaaladda degmada Dhahar oo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka cusub ee degmadaas loo sameeyey.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxtooyada uu kasoo baxo war-saxaafadeed ku saabsan shirkaas iyo go'aanadii kasoo baxay.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa diidey in diyaaradahoodu ay garoonka Cabdulaahi Yuusuf tagaan kadib markii Galmudug ku hanjabtay inay garoonka weerari doonto.

Khilaafka Puntland iyo Galmudug  ayaa sii xoogeystey shan maalmood kahor markii ay Puntland dib u celisey diyaarad sidey Madaxweynaha Galmudug oo ka degi lahayd garoon macmil ah oo Galmudug ay ka samaysatay koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Puntland horay waxay u sheegtay inaysan suurogal ahayn in Gaalkacayo ay yeelato labo garoon oo masaafo yar isu jira, maadaama haddii sidaasi dhacdo ay khatar badan oo dhanka duulimaadyada ahi ka dhalan karto.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM