Shir looga hadlayo sharciga Biyaha Puntland oo Garowe lagu xiray

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu soo gaba-gabeeyay wajiga labaad shir looga hadlayay sharciga Biyaha Puntland oo soo qaban qaabisay hay'adda Puntland u qaabilsan Biyaha iyo Tamar ee PSAWEYN.

Kulanka oo saddex bari socday, waxaa looga dooday sharciga biyaha Puntland oo dood dheer ka sameeyeen shakhsiyaad ka socday shirkadaha Biyaha, Aqoonyahanno, Sharciyaqaano, iyo maamulka hay'adda.

Dib u eegista lagu samaynayay sharciga waxaa taageerayay hay'adda NCA Puntland, waxaa xigi doonaa kulamo kale oo looga hadlayo sidii isla xeerkan oo dhawaan loo gudbin doono Barlamanka Puntland.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee hay'adda PSAWEYN Xirsi Xasan Yusuf, ayaa sheegay in sharcigu noqon doono mid u turaya danyarta Puntland mudana ku hawlanaayeen sidii sharcigan loo hirgalin lahaa.

Kulamo dambe oo kan daba socda ayaa Puntland lagu qaban doonaa, waxaana la filayaa markuu dhamaado in loo gudbiyo golaha Barlamanka Puntland, hadii ay ansixiyaanna waxay noqonaysaa markii ugu horaysay oo Puntland yeelato sharciga Biyaha Puntland.   

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM