Shirweynaha deegaanka ee Puntland oo ka furmay magaalada Garowe

Image
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa soo agaasintey shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha deegaanka ee Puntland kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, isla markaana socon doona muddo labo maalmood ah.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa furitaankii Shirka kusoo bandhigtay warbixino maqal, muuqaal iyo qoraal isugu jira oo ku saabsan xaaladda deegaanka ee Puntland iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay wado Wasaaradda Deegaanka si loo illaaliyo daaqa iyo duunyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland wuxuu la wadaagay Shirka in Dowladu ahmiyad gaar ah siinayso deegaanka, maadaama ay nolosha bani’aadamku ku tiirsantahay, wuxuu muujiyey in deegaanka oo la illaaliyo ay meel sarre uga jirto siyaasadda Dowladda iyo Qorshaha horumarinta Puntland.

Shirweynaha Deegaanka Puntland oo marka uu soo dhammaado laga soo saari doono War-qoraal ah, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, laamaha amniga, Aqoonyahano rag iyo dumar isugu jira oo ka kala yimi dalka iyo  dibadaba, dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM