Shirweynaha isbeddelka Cimilada Puntland oo galay maalintii labaad

Image
Shirka ayaa maanta waxaa uu u badan-yahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.

GAROWE, Puntland - Waxaa maalintii 2aad si habsami leh uga socda caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe shir weynaha 6aad ee deegaanka iyo isbeddelka Cimilada.

Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah dalka iyo deegaanka, iyada oo ay ka qaybgelayaan goleyaasha dawladda, hay'adaha caalamiga, khuburo ku takhasustay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ah NGO-yada kala duwan ee gudaha dalka ka jira, wasaaraddana kala shaqeeya arrimaha deegaanka.

Waaxyaha ugu miisaanka culus ee gorfaynta shirku ku aaddanayd waxaa ka mid ahaa joojinta xaalufinta dhirta, ugaadha iyo ka hortagga isbeddellada cimilo iyo la jaanqaadidda isbeddelka dabeecadeed ee bulshada.

Shirka ayaa maanta waxaa uu u badan-yahay dood cilmiyeedyo arrimahaas lagu xoojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM