Siyaasiyiin ka soo horjeestay nidaamka 4.5

Image

18 December, 2015(GO)-Siyaansiyiin ku sugan magalada Garowe ayaa ka soo horjeestay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5 kadib shir jaraa'id oo qabteen, waxayna xuseen in shacabka Puntland mowqifkoodu cadyahay.

Habka wax ku qaybsiga beelaha ayay sheegeen inay tahay burburka dalka Somalia, waxayna xuseen in taas badalkeeda Xildhibaanada 2016 lagu soo xulo deegaan.

Madaxda Puntland ee Muqdishu uga qayb galay shirka looga tashanayay habraaca doorashada 2016, ayay ugu baaqeen inuusan u hogaansamin nidaamka qabaa'ilka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale Siyaasiyiintu ugu baaqeen inay faraha kala baxaan doorashada 2016, balse gacan ka gaystaan qaabkii loo heli lahaa qaab aan ahayn 4.5.

Hadalka siyaasiyiinta ayaa imaanaya xilli cabsi xooggan laga qabo in doorashada sannadka dambe lagu saleeyo habka qabaliga ah, waxaana socda banaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARA'ID EE SIYAASIYIIN KU SUGAN GAROWE

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM