Siyaasiyiin ka soo horjeestay nidaamka 4.5

Image

18 December, 2015(GO)-Siyaansiyiin ku sugan magalada Garowe ayaa ka soo horjeestay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5 kadib shir jaraa'id oo qabteen, waxayna xuseen in shacabka Puntland mowqifkoodu cadyahay.

Habka wax ku qaybsiga beelaha ayay sheegeen inay tahay burburka dalka Somalia, waxayna xuseen in taas badalkeeda Xildhibaanada 2016 lagu soo xulo deegaan.

Madaxda Puntland ee Muqdishu uga qayb galay shirka looga tashanayay habraaca doorashada 2016, ayay ugu baaqeen inuusan u hogaansamin nidaamka qabaa'ilka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale Siyaasiyiintu ugu baaqeen inay faraha kala baxaan doorashada 2016, balse gacan ka gaystaan qaabkii loo heli lahaa qaab aan ahayn 4.5.

Hadalka siyaasiyiinta ayaa imaanaya xilli cabsi xooggan laga qabo in doorashada sannadka dambe lagu saleeyo habka qabaliga ah, waxaana socda banaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARA'ID EE SIYAASIYIIN KU SUGAN GAROWE

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM