Soomaaliya: Dagaal Toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Daacish oo ka dhacay G/Bari

Image

BOOSAASO – Markii ugu horreysay, iska horimaadyo toos ah ayaa ka dhacay deegaannada Dhabancaddo, Gubad, Siido, iyo ceelka Aba-Ruc ee ku yaalla buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ay isku haleeleen Ciidamada Difaaca Puntland iyo Daacish oo ku dhuumaaleysanayay aagga.

Ilo-wareedyo amni ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay la wareegeen goobo istaraatiiji ah iyo xarumo talisyo oo ay horay gacanta ugu hayeen Daacish. Waxaa sidoo kale la soo wariyay in dagaallada lagu dilay dagaalyahanno ajaanib ah, inkastoo tirada rasmiga ah aan wali la xaqiijin.

Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay xarumaha muhiimka ah ee taliska Daacish, oo ay ka mid yihiin:

Taliska Awaydi
Taliska Wacariyaad
Taliska Salnafeed
Taliska Kaadilay

Dhamaan xarumahaasi waxay ku yaallaan degmada #Ballidhidin ee gobolka Bari.

Tani waxay muujineysaa tallaabo weyn oo ay qaadayaan ciidamada Puntland si ay u xaqiijiyaan amniga aaggaasi, iyagoo sii wada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM