Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?
KISMAAYO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si diirran u bogaadiyay howlgalada ka socda Puntland ee lagu beegsanayo kooxda Daacish. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalladaas ay muujinayaan go’aan adag iyo u heellanida sugidda nabadda Soomaaliya.
Axmed Madoobe wuxuu ku ammaanay ciidamada Puntland kaalinta ay ka qaadanayaan la dagaallanka argagixisada. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho khataraha argagixisada, taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay jidka kaliya ee lagu heli karo Soomaaliya oo nabad ah.
“Midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ayaa saldhig u ah guusha dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Waxaan ku dhiirigelinayaa in dadaallada socda la sii xoojiyo si dalka uu uga gudbo caqabadaha nabadgelyo ee horyaalla,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac, isagoo ku tilmaamay in ay dhiirrigelin weyn u yihiin dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. “Waxay iftiin u yihiin rajada Soomaalida oo dhan, waxayna tusaale u yihiin geesinimada iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed,” ayuu raaciyay.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Puntland si ay u xaqiijiso guulo waara. Isagoo ku adkeeyay in iskaashi iyo taageero ay lagama maarmaan u yihiin in si buuxda loo wiiqo awoodda argagixisada.
Howlgalada Puntland ee socda ayaa diiradda saaraya sidii loo burburin lahaa saldhigyada Daacish ee ku yaalla meelaha fog ee gobollada waqooyi-bari. Khubarada ayaa tilmaamaya in iskaashiga gobollada iyo taageerada caalamiga ah ay yihiin furaha guulaha waara ee la doonayo in laga gaaro xasilinta dalka.
GAROWE ONLINE