Soomaaliya: Puntland oo qabatay Boqolaal xubnood oo Daacish katirsan

Image
Ciidamada Puntland oo lugayna Buuraha Calmis-kaad oo ay kula dagaalamayaan Kooxda Daacish

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay 300 dagaalyahan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish, iyadoo howlgalkii Laydhka uu galay toddobaadkiisa saddexaad, isla markaana uu guulo waaweyn kasoo hooyay kadib markii la xoreeyay magaalooyin muhiim ah.

Dadkan la qabtay ayaa la xiray si loogu sii wado baaritaan dheeraad ah, iyadoo shacabka ay kaalin weyn ka qaateen sidii ay u soo sheegi lahaayeen dadkii aqoonsigooda laga shakiyay, sida ay sheegeen saraakiisha, oo sidoo kale tixgeliyeen saameynta togan ee degdegga ah ee howlgalkan.

Mohamud Dirir, wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa sheegay in ciidamadu ay "noloshooda u hureen" nabadda Puntland, isagoo xusay in dadaalkani uu beddeli doono xaaladaha guud ee Geeska Afrika.

Dirir ayaa sidoo kale sheegay in colaadda ka socota Puntland ay tahay mid gaar u ah dowlad-goboleedka, oo kaliya loo barbar dhigi karo dagaalka ka socda Ukraine, halkaas oo dagaalyahanno ajaanib ah ay si weyn ugu lug leeyihiin, iyagoo isku dayaya inay soo galaan gobolka, oo ah midka ugu amniga badan Soomaaliya.

"Dagaalku halkan wuxuu ku socdaa tignoolajiyada casriga ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri Dirir. Wuxuu intaa ku daray in gobolka hadda uu la dagaallamayo dagaalyahannada shisheeye ee ISIS, kuwaas oo doonaya inay saldhig joogto ah ku yeeshaan dalka.

Qaar ka mid ah dagaalyahanadan ayaa la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan Suuriya, Urdun, Sacuudiga, Ciraaq, Tuuniisiya, Libiya, Marooko, iyo Aljeeriya. Waxay horey ugu guul darreysteen dagaalladii Suuriya iyo Libiya, iyadoo taageero caalami ah ay haystaan, ayuu yiri Dirir.

"Waxaan ka saarnay 300-kiloomitir oo dhul ah oo ku yaalla buuraha Al-Miskaad," ayuu sheegay, isagoo u xaqiijinaya shacabka in Puntland ay ammaan noqon doonto mustaqbalka dhow.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay goobihii ay deganaayeen kooxaha ISIS. Goobahaas waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal Lo’aad, iyo Isha Siido.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay baarayaan fiisooyinka iyo faahfaahinta shakhsiyaadka ajnabiga ah ee ku nool caasimadda. Dadweynaha ayaa qaar ka mid ah shakhsiyaadka u soo gudbiyay saldhigyada booliska, sida ay boolisku sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM