Sweden oo bogaadisay barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Sweden waxay soo dhaweyneysaa barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland iyaddoo rajeyneysa in looga daydo guud ahaan Soomaaliya, sidda uu sheegay safiirka u fadhiya magaalada Muqdisho.

Staffan Tillander oo Sabtidii booqdey magaalada caasimadda ah ee Garowe ayaa la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyadda, wadahadalka labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay xaalada Soomaaliya iyo Puntland gaar ahaan doorashooyinka, mashaariicda horumarinta iyo barnaamijka dimuqraadiyeynta.

Mr Tillander oo kulanka kadib u waramay war-fidiyeenka ayaa hoosta ka xariiqay in ay si buuxda u garab taagan yihiin qorsheyaasha horumarinta Puntland si gaar ah doorashooyinka dowladaha hoos eee 2021 loo qorsheeyay.

"Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaan oo aan kawada hadalnay dimuqraadiyeynta Puntland. Puntland sanadka dambe waxay sanadka dambe u dareereysaa doorashooyinka dowladaha hoose taasoo ku qabsoomeysa nanaan dimuqraadi oo ah qof iyo cod – qof walbana uu ku coddeyn doono kana qeybgali doono qaab siman – tani aad ayay muhiim u tahay waxayna talaabo horey loo qaadey u tahay dimuqraadiyada Soomaaliya waxaana rajeynaynaa in ay ku daydaan maamulada kale iyo guud ahaan Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Puntland oo hormuud u ahayd nidaamka federaalka ee haatan ka tisqaadey guud ahaan Soomaaliya ayaa mar kale waxay hogaanka u qabaneysaa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah – taasoo xoojineysa taariikhdeeda.

Ururo siyaasadeed oo lagu diiwaan-geliyey habraaca aad looga shaqeeyay ayaa la rajeynayaan in ay ka qeybgalaan doorashooyinka dowlaha hoose ee soo aadan, waxaana ay noqoneysaa tijaabadii ugu horeysay ee habka xisbiyada badan.

Taageerada Beesha Caalamka ayaa muhiim u ah hirgelinta barnaamijkan gaar ahaan dhanka taakuleynta maaliyadda, wallow xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Deni ay u diyaarisay qoondo maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM