Taliyaha Booliska G.Nugaal oo xilka la wareegay

Image
Image
Image

October 13, 2014 (GO)- Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Gobalka Nugaal G/sare Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar(Layli) ayaa maanta oo Isniin ah xilka kala wareegay taliyihii hore Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.

Munaasibad ay xilalka labadaan masuul kula kala wareegayeen ayaa lagu qabtay xarunta Taliska Booliska Nugaal waxaana kasoo qayb galay saraakiisha ammaanka Puntland.

Taliyihii hore ee Booliska Nugaal G/sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ka waramay tan iyo intii uu xilkan hayay waxyaabihii u qabsoomay, wuxuna balan qaaday inuu si daacadnimo ku jirto uga shaqayn doono nabadgalyadda Gobalka Nugaal.

Axmed Cabdilaahi Leyli taliyaha cusub ee ciidanka Gobalka Nugaal ayaa sheegay inuu dadaalkiisa la xariira adkaynta amniga uu kor u qaadi doono saldhigyadda Nugaal-na ay xili kasta dadwaynaha u shaqayn doonaan.

Cabdiraxmaan Abshir Faarax taliyihii hore ee ciidanka booliska Gobalka Nugaal ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka ilaaladda canshuuraha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM