Taliye boolis oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dhaawacay taliye boolis oo Jimcadda maanta ah ka dhacay magaalada Boosaaso, magaalo madaxda ganacsiga Puntland.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in dabley ay dhaawacday Taliyaha Saldhiga Booliska Nuur Salaad ee magaalada Boosaso, Korneyl Cumar Warsame Ciise.

Sarkaalka ayaa la sheegay in la beegsaday xilli uu ka soo baxay masaajidka Faadumo xiligii salaada Jimcaha.

Goobjoogeyaal ayaa ku waramaya in taliyaha goobta laga qaadey isagoo qaba dhaawac culus isla markaana haatan lagu daaweynayo mid kamid ah Isbitaalada xarunta gobolka Bari.

Qof kale oo rayid ah ayaa la tilmaamay in uu dhaawaca kasoo gaarey weerarka oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadiisa.

Laamaha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin falkaan, wallow ay xuseen in ay fahfaahin doonan.

Laba maalmood kahor, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Bari Mustafe Axmed Aadan ayaa lagu dhaawacay magaalada markii ay beegsadeen kooxo hubeysan.

Falalkaan ayaa dhacaya iyaddoo ciidamadda ay ku howlan yihiin xaqiijinta nabad-gelyadda isla markaana ay habeen iyo maalin waddaan howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo xasiloonida iyo ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM