Taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo la diley

Image

December 7, 2015 (GO)- Waxaa goor dhow toogasho lagu diley taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso Xasan Shire Ammaan.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in taliyaha uu diley askari ka tirsan ilaaladiisa, lamana oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka.

Xasan Shire Ammaan ayaa muddo dheer soo ahaa taliyaha ciidamada garoonka diyaaradaha ee Bosaso, wuxuuna xilka qabtay xilligii Puntland uu madaxweynaha ka ahaa Jen. Cadde Muuse.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gubin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM