Taliyihii laanta CID-da Puntland oo is-casilay

Image
Image
Image
Image

Garowe, October 7,2014 [GO]- Taliyihii hogaanka CID-da Puntland G/sare Cabdifataax Maxamed Cumar ayaa sheegay inuu iska casilay, ka dib kulan uu maanta xilka ku wareejiyay taliye cusub oo lasoo magacaabay.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta laantan ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo saraakiil kale.

Taliyihii hore ee CID-da G/sare Cabdifataax oo xilkan u magacaabay madaxwaynihii hore Cabdiraxman Farole ayaa sheegay sababta uu xilka isaga casilay ay gaar u tahay balse shaqooyin wanaagsan uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

Hoggaanka cusub ee xilka kala wareegay ayuu kula dardaarmay inuu meel wanaagsan gaarsiiyo howlaha xarunta iyo shaqooyinka ka socda.

Taliyaha cusub ee CID-da Ibraahim Cali Xasan ayaa sheegay inuu halkaa kasii anbo qaadayo howlaha qabyadda ah ee uu ka tagay Cabdifataax Camay, wuxuna muujiyay inuu masuulkii ka horeeyay waxqabad wanaagsan uu sameeyay.

Warar madax banaan oo soo gaaraya warqabadka Garowe Online ayaa tilmaamaya sababta uu xilka isaga casilay Cabdifataax Camay tahay isagoo shaqo ka heley xafiiska Interpol ku leedahay wadanka Kenya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM