Tirada dhimashada Dagaalka gobolka Mudug oo korartay

Image

GAALKACYO, Puntland - Waxaa sii kordhaya Khasaarihii ka dhashay dagaal labo Malleeshiyo beeleed u dhaxeeya oo ka socda qeybo kamid ah gobolka Mudug, iyadoo dawladda Puntland eedeymo culus u jeedisay Galmudug.

Illo ka madaxbanaan dhinacyada dagaalamaya ayaa Garowe Online u sheegay in colaadda oo socota tan iyo Axadii ay ku dhinteen in ka badan 23 qof, iyadoo tiro intaas dhaafsan ay ku dhaawacmeen.

Dagaal beeleedka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xooggiisa ka kala dhacay agagaar degmada Towfiiq iyo tuulada Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug, waxaana dhinacyada isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.

Khasaaraha dhimashada waxaa u badan labada malleeshiyo beeleed, waxaana wararku sheegayaan in dhinacyada dirirta ay dhaawacyadooda kala geeyeen Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Colaadda ayaa la sheegay inay salka ku hayso muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood, oo degaan ahaan kasoo kala jeeda maamullada deriska ah ee Puntland iyo Galmudug.

Ma jirto cid ila iyo hadda isxilqaantay oo labada dhinac ee dagaalamaya kala dhexgashay, marka laga reebo in dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay kasoo saareen baaqyo nabadeed, oo loo diray beelaha.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamo katirsan Galmudug ay duulaan ku qaadeen degmada Towfiiq, halkaasina uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatey.

Gobolka Mudug ayaa waxaa kusoo noqnoqda dagaallo u dhexeeya beello degan degaanada miyiga, oo colaaddooda inta badan ka dhalata aanooyin qabiil iyo khilaaf ka dhasha dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha laga cabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM