Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo Galdogob lagu aasay

Image
Image
Image
Image

November 10, 2014 (GO)- Degmada Galdogob waxaa maanta lagu aasay -AHN- Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood oo isla shalay degmadaas ku geeriyoodey.

Aaska waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isimo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweyne Gaas oo goobtii aasku ka dhacayey si kooban uga hadlay, wuxuu marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariista janno ka waraabiyo dhamaan eheladii uu ka tegey iyo dhamaan dadka reer Puntlandna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo kamid ahaa isimada soo jireenka ah qaybta weyna ka qaatay dhismaha Puntland, wuxuu sanadkii 1938 ku dhashay degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Xilka waxaa si rasmi ah loogu caleema saaray sanadkii 1998, markaasoo aabihiis Ugaas Maxamed geeriyoodey. 

Kahor intaan lagu caano shubin, ugaasku wuxuu mudo 10 sano ka badan si kumeel gaar ah u hayey xilka maadaama aabihiis mudo dheer xanuunsanaa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM