UN-ka oo caddeeyay mowqifkiisa Shirka Wadatashiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa teegeero u muujisay Shirweynaha Wadatashiga dowlada Puntland ee qorshuhu yahay in uu 15-ka Maaj sanadkan 2020 uu ka furmo magaalada Garowe.

James Swan, ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa mowqifkaas ka dhawaajiyey kadib kulan uu magaala madaxda kula yeeshay Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland.

Wadahadalada ay madaxtooyadda ku yeesheen ayaa diiradda lagu saarey xaalada dalka gaar ahaan siyaasada iyo qorsheyaasha qaranka hortabinta u leh 2020-21 ee deyn cafinta, doorashooyinka iyo amniga.

Isagoo kulanka kadib warbaahinta la hadlay, Swan ayaa sheegay in uu Deni ka dhageystay warbixin la xiriirta Shirka Wadatashiga Puntland.

"Madaxweyne Deni wuxuu ii qeexay qorsheyaal todobaadka dambe lagu qabanayo wadatashi Puntland u dhan tahay oo balaaran si looga fekero arrimaha hor-tabinta u leh Puntland iyo qaranka," ayuu yiri.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaan si dhow ula socon doonaa natiijadda kasoo baxda hindisahaas".

"Waxaan rajeynayaa in uu qeyb ka noqon doono wadahadalada horusocodka federaaleynta ku saleysan dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya," ayuu kusoo koobay oraahdiisa shirka oo isha lagu wada hayo.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo la rajeynayo in ay kasoo muuqdeen xubno kala duwan ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii ay isku raaceen dhinacyada ka qeybgalay madasha.

MUUQAALKA SWAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM