Ururrada naafada Puntland oo Garowe ku shiray

Image
Image
Image

November 18, 2014 (GO)- Ururrada ku mideysan Dallada Naafada Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku yeeshay  kulan aqoon isweydaarsi ahaa oo laysaga xogwaraysaneyey siyaasadda naafada Puntland ee horay loo meel mariyey.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubno ka socdey ururada naafada Puntland iyo mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Handcap International.

Gudoomiyaha Naafada Puntland Cali Cabdi Aadan ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka, isagoo sheegay inay tahay sidii wax laysaga weydiin lahaa waxa ka qabsoomay siyaasadda naafada. 

Cali Cabdi ayaa dhanka kale ku booriyey ururrada ka qayb gelaya kulanka in arintan mudada halka maalin ah ee kulanku socdo ay si wanaagsan uga doodaan.

Madaxa Xafiiska Hay'adda Handicap ee Puntland Maxamed Faarax oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay'adda Handicap u taagan tahay u qareemidda iyo weliba taageerista naafada meel kastoo ay joogaan.

Siyaasada Naafada Puntland oo dhawaan la meel mariyay waxaa fikirkeeda lahaa Xukuumadii hore ee Madaxwayne Cabdiraxmaan  Faroole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM