Wadada Suldaan Siciid Garowe oo la dhagax dhigay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe la dhagax dhigay waddo laami la saarayo oo qayb ka ah mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka degmada Garowe ayaa ka qayb galay dhagax dhigga wadada Suldaan Siciid ee magalada Garowe.

Gudoomiyaha degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise "Goodir" ayaa sheegay in jidka dhererkiisu yahay 500 Mitir, waxaana ku baxaya kharash dhan 48,000 oo dollar.

Goodir ayaa tilmaamay in degmadu kaga qayb qaadatay lacag dhan 20,000 oo dollar, waxaana dhismaheedu qaadan doonaa labo bilood.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa soo dhaweeyay hormarka ka socda magalada Garowe, waxuuna tilmaamay in degmadu ku jirto meelaha ugu bilicsan Somalia.

Dhinaca kale, maamulka degmada Garowe, ayaa shaaciyay inay wadaan bur-burinta dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisay waddooyinka magalada, waxayna shacabka ugu baaqeen inay banneeyaan goobaha sida sharci darada ah u xiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM