Wadahadalo Garowe ugu bilowday Deni iyo Rooble

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulankii koowaad ee rasmi ah ku yeeshay Madaxtooyada Garoowe.

Sidda laga soo xigtay qoraalo kasoo baxay xafiisyadda labadda mas'uul, shirkan ayaa looga hadlayaa marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.

"Shirka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arimaha dibadda DFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq, ayaa looga hadlaya marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashadda," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Xafiiska Rooble ayaa dhankiisa war qoraal ah ku yiri: "Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale".

Wadaxaajoodyada ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay doorashooyinka 2020-21 gaar ahaan guddiyada maamulaya coddeynta oo murashaxiinta ay su'aal geliyeen garsoornimadooda.

Murashaxiinta ayaa shaaca ka dhigay in Villa Soomaaliya ay guddiyadda ku dartay shaqaale rayid, askar ka tirsan hay'adda nabad-sugida iyo taageereyaasha madaxweynaha uu waqtiga kasii dhamaanayo.

Dowladda federaalka ah ayaa ku adkeysatay xubnahaas shakiga laga muujiyey dhexdhexaadnimadooda. waxayna si cad u diidey in ay fuliso dalabyada maamulada qaar iyo mucaaradka ah ee ku aadan in la bedelo.

Calaamad su'aal ayaa dul-hooganeysa qaabka Ra'iisul Wasaare wax uga bedeli karo mowqifka dowladda iyaddoo uu horey ugu milmay ololaha dib u doorashadda Farmaajaha damaca uu uga jiro in uu soo laabto.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caasimadda Puntland waxaa lagu soo dhaweeyay Jimcadii shalay ahayd, iyaddoo aan la carabaabin mudada uu baaqi kusii ahaan doono Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM