Wafdi PL ka socda oo ka warbixiyey shir ay Nairobi kaga soo qayb galeen

Image
Image

December 13, 2014 (GO)- Wafdi ka socda Puntland oo maalmihii u dambeeyey hawlo shaqo u joogey dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo wafdigaas hogaaminayey ayaa ka warbixiyey ujeedada booqashadii ay Kenya ku tageen iyo weliba waxyaabaha usoo qabsoomay mudadii ay halkaas ku sugnaayeen.

Karaash ayaa sheegay inay Nairobi kaga soo qabyb galeen shir muhiim ah oo ku saabsanaa barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo sanadka 2015-ka saddex degmo oo cusbi kusoo biiri dooraan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay inay kulamo gaar gaar ahaa lasoo yeesheen diblumaasiyiin ka socdey dalalka Maraykanka, Denmark iyo UK, si gaar ah wuxuu sheegay inay u qaabileen mas'uuliyiin ka socdey hay'adda USAID oo sida qorshuhuh yahay dhowaan Puntland xafiis ka furan doonta.

Wasiirka Qorsheynta Cali Axmed Faatax oo isna wafdigaas qayb ka ahaa ayaa sheegay in ay Nairobi kula soo kulmeen madaxda Bankiga Aduunka ayna kala hadleen sidii Puntland saamigeeda looga siin lahaa dhaqaale uu bangigu Soomaaliya u ballan qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM