Wararkii ugu dambeeyey dadaallada nabadeynta ee Galkacayo

Image

December 1, 2015 (GO)- Ergada dhex-dhexaadinta Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystey wejiga koowaad ee wadahadalka, kadib markii labada dhinac ogolaadeen heshiis hordhac ah oo afar qodob ka kooban.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa kala ah: in xabad-joojin rasmi ah la sameeyo, in lakala qaado ciidamada isku hor fadhiya goobihii dagaalladu ka dheceen, in la dhiso guddi wadahadal oo labada dhinac ka kooban, iyo in dadka magaalada ka qaxay la siiyo fursad ay dib ugu soo laabtaan.

Ra'isal Wasaare Sharmaarke ayaa hormuud u ah guddiga dhex dhexaadinta, waxaa sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Jubaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, isimmo iyo culimaa'uddiin.

Galmudug way ogolaatay dhammaan qodobada lagu heshiiyey, haseyeeshee Puntland ayaa ka biyo diiddey qodobka dhigaya in la dhiso guddi wada-xaajood oo isku dhaf ah, waxayna ku baaqday in marka hore fursad la siiyo odayaasha dhaqanka, marka odayaashu xal gaaraan kadibna la furo wadahadal siyaasadeed.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Galkacayo ku sugan ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas diidey in uu la kulmo dhiggiisa Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xiriirka Puntland iyo Galmudug ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo markii degmada Cadaado lagu dhisay maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Dagaal dhacay November 28, 2015, waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad labaatan qof in ka badan konton qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa sidoo kale kumannaan qoys ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Xaaladda magaalada ayaa xilligan ah midd deggen, waxaana rajo weyn laga qabaa in dadaallada nabadeynta ee Galkacayo ka socdaa noqdaan kuwo guul kusoo dhammaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM