Warbixin laga dhageystay madaxda Wasaarada Maaliyada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda DPL Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Cabdiwali Xassan Nuur iyo Maamulaha Cashuuraha Beriga ee Gobolka Nugaal Sharmaarke Maxamed Warsame.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM