WARBIXIN: Madaxda ku sugan Garowe oo laga filayo Heshiis

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garoowe oo uu ka socday kulanka aragti wadaaga Heritage ayaa waxaa weli ku sugan madaxda Maamulada, Ra'isal Wasaare ku xigeenka dowlada Federaalka iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya. 

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo xubnaha shirku uga socdo Garowe ayaa sheegaya inay madaxda joogta caasimada ku howlan yihiin sidii heshiis la isla ogol yahay war-murtiyeed looga soo saari lahaa.

Qodobada la isku hayo oo hortaagan in doorashada Soomaaliya waqtigeeda ku dhacdo waxay yihiin; In guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Maamulada qaarkood laga saaro saraakiisha dowlada iyo kuwa ciidamada, In guddiga doorasho iyo go'aan ka gaarista xildhibaanada gobolada Woqooyi ee labada aqal ee Barlamanada lagu biiriyo islamarkana laga arrin galiyo gudoomiyaha aqalka sare; iyo in ciidamada dowlada laga saaro gobolka Gedo taas oo sahleysa in maamulka Jubaland sida Maamulada kale ee dalka ka jira awood ugu yeesho in doorashada dhaceysa maamulo iyadoo ah qodob dastuuri ah.

Sidda ay wararku xusayaan, madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, iyo xubnaha wehliya [ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo afhayeenka Golaha Shacabka] ayaa qabsaday saddex casho oo xal looga gaaro qodobadaas.

Qoor-qoor ayaa, sidda macluumaadka muujinayaan, wuxuu u kala dab-qaadayaa madaxda dowladda federaalka iyo dhinacyadda kale ee kasoo horjeeda.

Xogo muhiim ah oo hordhac ah ayaa sheegaya in labada qodob ee hore waa "Guddiga doorashada iyo qodobka Woqooyi Galbeed" Madaxweyne Farmaajo ogolaadey in heshiis laga gaaro balse uu diidey qodobka Gedo.

Dhinaca kale war-murtiyeed maalintii dhalay ka soo baxey shirkii Heritage ee ka socdey Garowe wafdigii dowlada Federaalka ah ee ka joogey kulankaas diideen in lagu daro qodob ah in shir ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida " Federaal iyo maamul goboleed" taas oo markii dambe khasabtey in Madaxweynaha Puntland khudabadiisa xiritaanka ku darsado baaqaas.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ayaa diidan in shir dambe isugu yimadaan madaxda Maamulada iyadoo taas horey u baajisay kuna khasabtey madaxda maamulada iney shirkii ay beesha caalamka la galeen kaga soo qayb galaan Zoom.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM