Wariye Jaamac Deparani oo Garowe lagu xiray

Image

19 November, 2015(GO)-Waxaa goor dhaweyd xabsiga loo taxaabay Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo ka hawl gala telefishinka Somali Channel qaybta Garowe.

Xariga ayaa yimi ka dib waraaq shaqo joojin ah oo soo saartay wasaaradda warfaafinta Puntland, taasi oo aan cadayn sababta shaqada uga joojisay wariyaahaasi.

Jamac, ayaan u hogaansamin amarka wasaaradda, waxaana uu sii watay shaqadiisa, ka dib cadayn la'aanta wasaaradda.

Shaqo joojinta ka dib, waxaa soo baxayay dhaliilo loo jeediyay wasaaradda warfaafinta Puntland, waxaana ilaa saddex xildhibaan oo qoraalo soo dhigay barahooda Facebooka sheegeen inaysan sharci ahayn qoraalka ka soo baxay wasaaradda.

Ilaa hadda lama cadayn sababta lagu xiray Deparani.

Tan iyo markii wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocade loo magacabay xilka wasaaradaasi, waxaa soo baxayey hanjabaado iyo xariga loo gaysanayo  wariyayaasha iyo Idaacadaha ka hawl gala deegaanada Puntland, waxaana horeya u fashilmay eedo wasiirku ka soo gudbiyay Idaacad lagu magacaabo Sahan, ka dib markii maxkamad la isla tagay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM