Wasaarada warfaafinta Puntland oo digniin u gudbisay saxafi

Image

Nov 11,2015 (GO)- Wasiirka warfaafinta Puntland oo xafiiskiisa ugu yeerey Nov 10,2015 wariye ka tirsan Talefishinka Somali Chanel ayaa u sheegey in dowlada dacwo ka tahay barnaamij lagu magacaabo Depraani show iyo bogiisa Facebook.

Wariye Jamaac ayaa talefishinka Somali Chanel ka tabiya Barnamaamij loogu yeero Depraani show kaasoo lagu wareysto dad siyaasiyiin iyo kuwa kale oo magac leh.

Maxamad Xasan Soocade ayaa sidoo kale kulankaas ugu sheegey Jaamac Deprani in dowlada Puntland ka cabaneyso bartiisa Facebook iyo qoraalada uu ku soo qoro.

Wariyaha Somali channel Jaamac Deperani ayaa bartiisa facebook-ga kusoo daabacay qoraal ku saabsan in wasarada warfaafinta Puntland ku hanajabtey in shaqadiisa joojinayso.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in wasiirka warfaafinta Puntland shardi ka dhigey hadii barnaamijkaas wariye Depraani rabo inuu tabiyo la soo socodsiiyo qofka laga wareysanayo si wasaarada u ansaxiso taasoo wariyuhu diidey

Barnaamijka Depraani Show ayaa ka bilowdey talefeshinka Somali Chanel bishii August 22,2015 iyadoo ilaa hadda lagu wareystey Wasiirka amniga Jubland, madaxweynaha Jubland, afhayeenka dowlada Federaalka, Labo wakiil oo ka tirsan ururada siyaasada Kulmiye iyo Wadani ee Somaliland, Xildhibaan Siciid Samatar Surcad ka tirsan Barlamanka Puntland iyo wasiirka warfaafinta Puntland Soocade.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa bilihii ugu dambeeyey xasaasiyad balaaran ka qaadey wararka saxaafada ka howlgasha Puntland iyo kuwa caalamiga ah kuwasoo ku eedeynayaan iney gudbinayaan hadalo ka dhan ah Puntland.

Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa dhowaan qoraalo kala duwan ay soo saartey kaga joojisay shaqada idaacada VOA halka kuwo kale ee maxaliga ah la tagtey maxakamad balse wax lagu waayey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM