Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ka hadashay dufaanta [Dhagayso]

Image

03 November, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta ka hadashay khasaaraha ka dhashay Roobab xalay ka da'ay gobolka Gardafuu ee Puntland, waxayna sheegtay in waxyeeladu isugu jira waddooyin xirmay, beero go'ay iyo bur-bur dhismayaal.

Wasiir ku-xigeenka wasaaraddaasi Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo la hadlay warbaahinta, ayaa diray baaq ku aadan in dadka Roobabkan ku waxyeeloobay la soo gaarsiiyo kaalmo cunto, mid caafimaad iyo dhismayaa ku meel gaar ah oo loo sameeyo dadka guryahoodii ku waayay duufaanta Chapala.

Baaqa Qoobdeero, oo ku wajahnaa beesha caalamka iyo hay'adaha taageeraha Puntland, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in laga aqbali doono codsigooda.

Goobaha reer miyigu isugu tageen, ayaa wasaaraddu ka digtay inay ka dhashaan falal ammaan darro, waxaana odoyaasha dhaqanka Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ugu baaqay inay hantaan ammaanka goobaha loo hayaamay, isla markaana la soo dhaweeyo dadka soo raadsaday baad iyo biyaha.

Guddi wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland horkacayso ayaa la magacaabay kuwaasi oo loo xilsaaray sidii ay uga shaqayn lahaayeen kaalmo la gaarsiiyo dadka ku waxyeelloobay Roobabka ka da'ay gobolka Gardafuu ee Puntland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM