Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo shaacisay Roob doon

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Kulan maanta ka dhacay wasaaradda cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland ayaa lagu shaaciyay Roob doon ka dhacaysa Puntland oo dhan maalinta Isniinta ee soo socota.

Ku-xigeenka wasiirka wasaaradda cadaaladda Puntland, xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda iyo Shiikh Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa kulanka shaacinta ka qayb galay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda cadaaladda Puntland Maxamed Faarax Aadan ayaa ku dhawaaqay in maalinta Isniinta dhici doonto isu soo bax Roob doon oo ka dhacda guud ahaan Puntland, waxaana bulshada qaybahooda kala duwan ee ku sugan magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyiga ugu baaqay inay ka qayb qaataan Roob doonta.

Shiikh Maxamud Xaaji Yuusuf, ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in ALLE la baryo xilliyada abaaraha, waxaana uu xusay in Roob doontu tahay Sunne uu jideeyay Nabigeenna (NNKH).

Horay waxaa qaybo ka mid ah Puntland lagu qabtay banaan baxyo Roob doon kuwaasi oo lagu qabtay Kar-kaar iyo Sanaag.

Qaybo ka mid ah Puntland, waxaa ka jira abaaro iyo Roob la'aan xilli lagu guda jiro waqti Roobaadka Dayrta.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM