Wasaaradda Warfaafinta PL oo u digtey shirkadaha isgaarsiinta

Image

November 2, 2014 (GO)- Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa digniin u jeedisey shirkadaha isgaarsiinta ee ka shaqeeya deegaanada Puntland, kadib markii sida la sheegay qaar kamid ah shirkadahaasi  jebiyeen heshiis iyaga iyo dowladda horay u dhex maray.

Wasiirka Warfaafinta Putland Cabdiweli Xirsi Cabdule (Indho Guran) oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in shirkaduha isgaarsiintu wax ku kordhiyeen qiimeyaashii horay loogu heshiiyey oo kala ahaa sidan:

  1. Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.027+khidmadda dowlada.
  2. Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.054+khidmadda dowlada.
  3. Qiimaha lagu waco halka daqiiqo dibadda: $ 0.36+khidmadda dowlada.

Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isagoo xusay in dowladu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto hadii ay jebiyaan heshiiska.

Dhowaan ayey ahayd markii dowladu cashuur dul saaratay qiimeyaasha laysku waco ee shirakadaha isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ku amartay shirkaduhu inay hal qiime oo go'an daqiiqadaha hadalka ku iibiyaan.

Maalmihii u dambeeyey waxay cabasho xoogani kasoo yeereysey dadweynaha, maadaama shirkadaha isgaarsiinta gaar ahaan Golis kordhisey qiimaha daqiiqadaha ee laysku wici jirey dalka gudihiisa iyo dibada labadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM