Wasaradda arrimaha gudaha PL oo ka digtay Saamaynta roobka

Image

Garowe, October 7,2014 [GO]-  Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta oo Talaado u digay shacabka ka dib markii soo baxeen saadaalo sheegaya qaar ka mid ah gobaladda Puntland inay kusoo wajahan yihiin roobab ka badan kuwii la sugayay.

Karaash ayaa sheegay inay muhiim tahay dadku inay ka baxaan meelaha godon ee Puntland si looga bad baado saamaynta ay gaysan karaan roobabka dayrta ee la sugayo, wuxuna sheegay sidoo kale inuu fariin tacsi ah u dirayo qoysaskii ay wax kasoo gaareen roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhowaan da'ay.

Masuulkan ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidanka difaaca Puntland si mar kasta looga adkaado kooxo uu ku sheegay diin-laawayaal.

Hay'adda Saadaasha hawadda ayaa sheegtay gobaladda Nugaal,Sool,Sanaag iyo Bari inay kusoo wajahan yihiin roobab xoogan oo laga yaabo inay kharaaso kala duwan gaystaan sidaasi darteedna laga tigtonaado.

Hay'adda jidadka PHA ayaa maalin ka hor ku dhawaaqday koox gurmad deg deg ah oo la socda xaalada wadooyinka si looga hortago waxyeelooyin soo gaara.

Roobka dayrta ayaa inta badan ka da'ay gobaladda Puntland balse agaasimaha guud ee wasradda arrimaha gudah ayaa sheegay roob aan sidaasi u badnayn inuu ka da'ay Gobalka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM