Wasiir Soocade oo ka hadlay xarigga Wariye Deparani [Dhagayso]

Image

23 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xarigga Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo muddo shan bari si sharci darro ah ugu xiran magalada Garowe Caasumadda Puntland.

Soocade oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda SBC, ayaa sheegay in Deparani ku xiranyahay dambi uu ka galay dalka iyo dadka Puntland dhawaanna maxkamad la soo taagi doono.

Waxa uu meesha ka saaray xarigga Deparani inuu salka ku hayo khilaaf labadooda ka dhaxeeya iyo waraysi uu dhawaan ka qaday, isagoo tilmaamay in waraysigaas ku qanacsanyahay isla markaana uusan ka laabanayn wixii uu TV-ga ka sheegay oo ahaa inuu qabyaalad ku taageerayo maamulka Khaatumo.

Mar wax laga weydiiyay sababta maxkamad la'aan u xiranayahay Deparani in ka badan 48 saac, ayuu sheegay in arrinta go'aamisay maxkamaddu.

Soocade ayaa sheegay hadii laga gar helo xilliga maxkamadda la isugu yimaado inuu ku gancayo go'aanka, oo  is difaaci doono.

Wasiirka ayaa diiday inuu ka hadlo eedaha lagu xiray Wariye Jaamac, wuxuuna tilmaamay inuusan ka hordhacay maxkamadda.

Soocade ayaa Wariyahaasi ku eedeeyay daalac dhac saxaafadeed iyo inuusan u bislayn qaanuunka saxaafadda, wuxuuna ku tilmaamay mid doonayo inuu caambaxo, balse uu marayo tallaabooyin khaldan.

Jamac Deparani, ayaa muddo ku xiran magalada Garowe, waxaana xarigaasi Cambaareeyay Xildhibaano, dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ururada Saxaafada iyo wariyaasha ku nool Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM