Wasiira Deegaanka oo ka waramay dhibaatooyinka Deegaanka

Image

October 29, 2014 (GO)- Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay qaar ka mid ah gobaladda inay ka jiraan dhibaatooyin deegaanka ku saabsan.

Barre ayaa arrintan ka hadlay xili uu maanta waraysi siiyay Radio Garowe wuxuna sheegay inay dadaalo xoogan oo lagu hagaajinayo deegaanka wadaan hase yeeshee aysan isku dhigmin baahida taagan iyo howlaha ay wadaan.

Arrinta ugu daran ee daagaanka ka jirta ayuu ku sheegay inay tahay xaalufka baahsan ee dhirta lagu hayo taasoo uu sheegay inay kasoo saareen go'aamo lagu xakamayno.

Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay maalinkii shalay gacanta ku dhigeen dhuxulaysato gaaraysa shan ruux iyo afar gaari oo nooca waa weyn kuwaasoo dhuxusha looga guray deegaan ka tirsan Gobalka Karkaar.

Wasiirka Deegaanka ayaa la waydiiyay badalka dhuxusha dadku waxay isticmaalayaan wuxuna ku jawaabay inaysan muuqan hadda baahi dhuxusha loo qabo isla markasna dadku ay isticmaali karaan Gaaska la shito.

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka Deegaanka ayaa safar ku tagay degmooyin ka tirsan gobaladda Nugaal,Karkaar iyo Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM