Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Image
Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

GAROWE, Puntland -  Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:

- Amniga.

- Ansixinta Miisaaniyadda 2025.

- Fariisiinta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangoroyo. 

- Ansixinta wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland, Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 waxaa ay Miisaaniyadu  korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM