Wasiirka Amniga Puntland oo hortagay Baarlamanka

Image
Image

November 8, 2014 (GO)-Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa maanta oo Sabti ah hortay Baarlamaanka si uu warbixin uga dhiibo xaalada Amniga iyo waxa u qabsoomay toban bilood.

Aloore oo soo jeediyay khudbad qaadatay in ka badan 15-daqiiqo ayaa ku nuux nuuxsaday inay wax badan ka qabteen ka hortaga dagaaladda qabaa'iilka, adkaynta amniga iyo hoos u dhiga weeraraddii kooxda Al-Shabab.

Waxa uu kale uu sheegay in qaar ka mid ah ardaydda Puntland tababar dibadda u qaadeen si loosoo baro howlaha amniga, Aloore ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii loosii adkayn lahaa nabadgalyadda.

Marka uu dhameeyay khudbadiisa ayaa waxaa qaar ka mid ah mudanayaaashii fadhiga maanta soo xaadiray waydiiyay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan dilal gudaha Puntland loogu gaystay saraakiil iyo ciidan, taasoo ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Kooxda Al-Shabab ayaa duleedka magalada Bosaso ku dishay allaha u naxariistee taliyihii ciidanka aaga Galgala Cabdirisaaq Afgaduud, sidoo kale qof isi soo miidaamiyay ayaa qaybta ciidanka booliska Gobalka Bari  isku qarxiyay Taliyihii ciidanka booliska Bari Cabdiraxmaan Muslim.

Wasiirka Amniga ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee hortaga fadhiga 34-aad ee Baarlamaanka si looga dhagaysto warbixintiisa ku aadan xaalada amniga Puntland.

Wasiiradda Arrimaha gudaha, Cadaladda iyo Dastuurka iyo waliba Taliyaha ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid ayaa maanta hortagay fadhiga.

Warbixinta Wasiirka Amnigu siiyey baarlamaanka ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii magaalada Bosaso lagu diley gacansade gobolka Bari caan ka ahaa kana soo jeedey deegaanka Galgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM