Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Puntland oo hortagey Barlamanka

Image

November 24, 2014 [GO]- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaaji Warsame ayaa Barlamaanka u soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda sanadka 2014, iyadoo dhinaca kale  ay su’alao weydiinayeen xildibaanada barlamaanka Puntland.

Waxaa kulankaa waheliyey Wasiir ku- xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax, iyo Agaasimaha guud Axmed Cabdi Shire '' Kayse '' iyo saraakiil kale. 

Wasiirka ayaa ku dheeraday waxqbadkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare sagaalki bilood ay joogen oo uu sheegay inay waxbadan ku guuleeysten waxna u harsanyihiin, guulaha ay gaareen baahinta maamulka Wasaarada gobolada iyo Degmooyinka, deeqaha waxbarashada dhismayasha iskuulda. 

Su'aalaha guud oo xildhibaanadu waydiinayeen Wasaarada waxbarashada ayaa waxa kawada jawaabayey Wasiirka iyo xubnaha kale ee ka socda Wasaarada.

Dhinaca kale wararka Garowe online ka heleyso saraakiil ka tirsan Wasaarada ayaa sheegaya in sanadkaan ardeyda dugsiyada Puntland u ambabixin deeqdii waxbarasho ee laga heli jirey wadanka Ethiopia.

Wasiirka Waxbarashada ayaa Xildhibaanada Barlamanka waydiiyeen su'aasha ku saabsan sababta ardeyda Puntland ugu ambabixin deeqihii waxbarasho oo laga heli jirey wadanka Ethiopia balse Mud.Cali Xaaji warsame ayaa ku jawaabey iney deeqdaas la heley balse cilado farsamo u xaniban yihiin.

Garowe Online oo isku taxalujisay iney wax ka ogaato sababta keentey in sanadkaan ardeyda Puntland aysan helin deeqdaan waxbarsho ayaa wararku sheegayaan in Wasaarada Waxbarshada Puntland ka baaqsatey codsigeeda markii uu dhamaadey sanad dugsiyeedka Ethiopia sababtoo ah Wasiirka ayaa booqasho gaar u ah ugu amabaxey dalka Mareykanka.

Dowladii hore ee Madaxweyne Farole oo juhdi badan saartey kobcinta iyo dhisamaha Wasaarada Waxbarshada intii ay talada haysay ayaa ardey farabadan u dirtey deeqo waxbarsho kuwaasoo laga heley wadamo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM