Weriye Cabdirsaaq Cali Silver oo Gaakacayo lagu diley

Image

November 18, 2014 (GO)- Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa caawa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weriyaha oo lagu magacaabi jirey Cabdirisaaq Cali Cabdi kuna magac dheeraa Silver waxaa madaxa ka toogtey labo nin oo biskoolado ku hubeysnaa waxyar kadib salaadii Cishaha xilli uu marayey bartanka magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Xero Daraawiish.

AHN Silver oo kamid ahaa weriyaasha ugu caansan Puntland horayna uga soo shaqeeyey idaacadaha Radio Galkacyo iyo Codka Nabadda wuxuu ifka uga tegey hal xaas iyo labo wiil.

Waa weriyihii saddexaad ee ka tirsan Radio Daljir oo tan iyo sanadkii 2011 magaalada Gaalkacayo lagu dilo wuxuu sidoo kale shan ku noqonayaa tirada weriyaasha labadii sano ee lasoo dhaafey lagu diley magaladaas.

Warsidaha Garowe Online Tafatirayaashiisa iyo dhamaan Wariye-yaasha waxay tacsi u dirayaan AHN Cabdirizaq Cali Cabdi, Qoyskiisa, Idaacada Daljir iyo shaqalaheeda waxaan leenahay samir iyo imaan isagana Ilaahey Janatul fardowzo ha ka waraabiyo. Aamiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM