Dhagayso: Khudbadihii xalay laga jeediyay xafadii madaxtooyadda

Image

October 11, 2014 (GO)- Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu soo dhoweynayey wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe.

Xafladda waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Puntland, Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, xubno metelayey beesha caalamka, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo badan.

Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, Gudoomiyaha Baarlammaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cawad iyo madax kale oo badan ayaa khudbado kala duwan goobta ka jeediyey.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo khudbad dheer xafladda ka jeediyey ayaa ugu horeyn dowladda iyo bulshada Puntland uga mahadceliyey sida diiran ee isaga iyo wagdigiisa magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey.

Intaas kadib wuxuu Puntland ku bogaadiyey kaalinta firfircoon ee ay kasoo qaadatay in Somalia ka baxdo marxaladii kumeel gaarka ahayd iyo weliba hirgelinta nidaamka federaalka, isagoo xusay in qarannimada Somalia Puntland laf dhabar u tahay.

Madaxweyne Gaas oo isagu xafladaas si rasmi ah usoo xiray, wuxuu rajo weyn ka muujiyey wada hadalada maanta u furmaya labada dhinac isagoo  lagama maarmaan ku tilmaamay in laga gudbo khilaafka jira si horay loogu socdo.

Gaas ayaa intaas raaciyey in Puntland  ka go'an tahay midnimada umadda Soomaaliyeed isagoo docda kale lagama maarmaan ku tilmaamay in laga jawaabo tabashooyinka Puntland qabto si meesha looga saaro madmadowga soo kala dhex galay labada dhinac.

Wadahadalo bilow ah ayaa wafdiga uu horkacayo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo xildhibaano ku jiraan iyo madaxda Puntland waxay maanta uga furmi doonaan xarunta madaxtooyada ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM