Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xildhibaan cusub

Image

November 20, 2014 (GO)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta codka kalsoonida siiyey xildhibaan cusub oo kusoo biiray Golaha islamarkaana bedeli doona Xildhibaan Xasan Xaange oo bishan horraanteedii xubinimadiisii baarlamaanka iska casiley.

Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo C/laahi Faarax Guuleed ayaa fadhigii golaha ee maanta kahor akhriyey taariikh nololeedkiisa isagoo balan qaaday inuu dalka iyo dadkaba si daacad ah ugu shaqeyn doono.

Intaas kadib xildhibaanada oo qaab gacan taag ahaa ku codeeyey ayaa codka kalsoonida siiyey xildhibaanka cusub, Sabtida soo socda ayaana xilkaas loo dhaarin doonaa.

Xasan Xaange oo isagu horay usoo hayey xilka maanta lagu wareejiyey Cabdulaahi Faarax ayaa ka codsaday xildhibaanada kale inay soo dhoweeyaan si fiicanna ula shaqeeyaan xildhibaanka cusub.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Punltand Siciid Xasan Shire ayaa ugu hambalyeeyey xildhibaanka inuu kamid noqday Golaha Wakiillada Puntland isagoo Ilaah uga baryey inuu shaqadiisa u fududeeyo.

Baarlamaanka Puntland waxaa weli u socda kal-fadhigoodii 34aad oo  arimo ammaanka, dhaqaalaha iyo la xisaabtanka xukuumaddu ugu muhiimsan yihiin diiradda lagu saari doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM