Xildhibaan qiray sii deyntii sarkaal Al-shabab ka tirsan

Image

December 16,2014 (GO)- Maalin kadib markii lasii daayey Cabdirasaaq Tahliil oo ah sarkaal ka tirsan Al-shabaab kaasoo sanad kahor ciidamada ammaanku qabteen ayaa waxaa arintaas qiray Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame oo ka tirsan Barlamanka Puntland.

Xildhibaanka oo isagu qayb ka ahaa xubnihii goob jooga ahaa goobtii ninkaas lagu wareejiyey ayaa waraysi gaar ah oo Radio Sahan uu siiyey ku faah faahiyey qaabkii lagu sii daayey.

Wuxuu sheegay in ujeedada koowaad ee Tahliil  loo sii daayey ahayd sidii loo soo furan lahaa saddex nin oo kasoo jeeda Puntland, kuwaasoo ay afduubteen mileeshiyo ninkaas isku hayb yihiin.

Dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole ayaa diidey sii daynta Cabdirisaaq Tahliil oo isagu ahaa madaxa saadka kooxda Al-shabab ee gobollada dhexe,  maadaama tallaabadaasi horseedi doonto in maxaabiista Shabaabka ah madax furasho lagu sii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM