Xildhibaanada Puntland oo diiday wafdiga Muqdishu aaday inay qaataan 4.5

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

10 December, 2015(GO)-Mudanayaal ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa maanta ka hadlay qorshaha laga wado Muqdishu ee wafdiga Puntland looga dhaadhicanayo in doorashada 2016 lagu saleeyo nidaamka laga soo gudbay ee 4.5.

Xildhibaanada oo shir jaraa'id ku qabtay magalada Garowe, ayaa mas'uuliyiinta uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas uga digay inay qaataan nidaamkaasi, waxayna u soo jeediyeen inay tala ugu soo laabtaan, maadama dastuurka dalka ogolayn in lagu noqdo habkaasi qabaliga ah.

Mudanayaasha oo tira ahaan lix gaarayay ayaa si adag uga digay in la beeneeyo aragtida laga aruuriyay Ergooyin gaaraya 600 oo laga soo xulay qaar ka mid ah magalooyinka Puntland.

Shacabka Puntland ayay ugu baaqeen Xildhibaanadu inay noqdaan kuwa la socda xaaladda dalka iyo waxyaabaha socda ee ku aadan doorashada dhici doonta 2016.

"Waxaan beesha caalamka uga baaqaynaa inay dhexdhexaad ka noqdaan talada dalka iyo barnaamijyada lagu gaarayo doorashada soo socota.. waxaa na soo gaaraya warar sheegaya in wafdiga Puntland ee ku sugan Xamar culays lagu saarayo inay qaataan 4.5" Ayuu yiri Xildhibaan Dhoobadaareed oo ka mid ahaa mudanayaasha saxaafadda la hadlay.

Waxa uu cadeeyay in Barlamanka Puntland horay uga hadleen arrintan, isagoo tilmaamay inaysan dowladda dhexe wax kula qaybsan doonin habkaasi.

Hadalka mudanayaasha ayaa yimi kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Gaas cadaadis lagu saarayo qaadasha nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, balse waxaa horay uga soo horjeestay aragti laga sameeyay Puntland iyo Jubbaland, waxayna qaateen in deegaamaysi wax lagu soo doorto.

Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somalia, ayaa u sacab tumaya in doorashada lagu saleeyo 4.5. Dowladda dhexena waxay taageeraysaa qorsha kasta oo u sahli kara inay dib ugu soo laabtaan hogaaminta dalka kadib markii beesha caalamka diiday inay la sameeyo mudo kororsi.

12 Decemeber oo maanta ku beegan ayaa loo ballansanaa in madaxda Somalidu ka tashato habka ugu macquulsan ee doorasho u dhici karto, laakiin kulankaasi waa baaqday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM